Arsenal oo garoonkeeda Emirates guul muhiim ah kaga gaartay kooxda Aston Villa

0
74

Baladweyne (Radio Beerlula)-Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates guul muhiim ah kaga gaartay kooxda Aston Villa, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Arsenal.

Daqiiqadii 23-aad kooxda Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Thomas kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Smith-Rowe.

45 + 6′ kooxda Arsenal ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 2-0 ka dhigay weeraryahankooda Pierre-Emerick Aubameyang.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 56-aad Smith-Rowe oo caawin ka helay saaxiibkiis Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dheesha ka dhigay 3-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Arsenal.

82 daqiiqo marka ay dheesha ahayd kooxda Aston Villa ayaa gool dhalisay waxaana 3-1 ka dhigay Jacob Ramsey oo caawin ka helay saaxiibkiis Leon Bailey.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 3-1 ay kaga adkaatay Arsenal, kooxda Aston Villa oo marti ugu ahayd garoonka Emirates, Gunners ayaa ku jirta booska 9-aad ee kala sarreynta horyaalka inkastoo min 14 dhibcood ay wadaagaan kooxaha Man United, West Ham, Everton.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here