Kooxda AC Milan oo bayaan ka soo saartay Brahim Diaz oo uu haleelay Korona Fayras

0
81

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta AC Milan ayaa la soo warinayaa inay bayaan ka soo saartay xaaladda Brahim Diaz oo uu horay u haleelay caabuqa Korona Fayras.

Brahim Diaz ayaa ka soo kabsaday KOFID 19, sida ay kooxdiisu xaqiijisay goordhow.

Weeraryahankan reer Spain ayaa baaritaankii lagu sameeyey ee la xiriira Korona Fayras laga waayey oo waa uu ka bad qabaa, sida ay xaqiijisay Kooxda Milan.

“AC Milan waxa ay ku dhawaaqaysaa in Brahim Diaz baaritaankii laga sameeyey laga waayey KOFID 19” ayuu u dhignaa bayaan ka soo baxay kooxda reer Talyaani.

Brahim Diaz ayaa diyaar u noqon doona kulammada soo aaddan ee kooxdiisa kaddib markii uu ka soo bogsaday caabuqa Korona Fayras ee haleelay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here