Manchester United oo si dhab ah uga fikireysa inay ceyriso Ole Gunnar Solskjær

0
56
Manchester United's Norwegian manager Ole Gunnar Solskjaer gives a thumbs up at the end of the English Premier League football match between Manchester United and Everton at Old Trafford in Manchester, north west England, on December 15, 2019. (Photo by Oli SCARFF / AFP) / RESTRICTED TO EDITORIAL USE. No use with unauthorized audio, video, data, fixture lists, club/league logos or 'live' services. Online in-match use limited to 120 images. An additional 40 images may be used in extra time. No video emulation. Social media in-match use limited to 120 images. An additional 40 images may be used in extra time. No use in betting publications, games or single club/league/player publications. /

Baladweyne (Radio Beerlula)-Warbaahinta Ingiriiska ayaa xaqiijisay maanta oo Isniintii ah, in maamulka Manchester United ay si dhab ah uga fikirayaan inay ka ceyriyaan tababaraha reer Norway ee Ole Gunnar Solskjær shaqada tababarka ee kooxda.

Arrintan ayaa waxay timid kaddib markii ay kooxda hoos ugu sii dhacday miiska kala sarreynta horyaalka Premier League–ga ee dalka England, taasoo ay ka niyadjabeen taageerayaasha  garoonka Old Trafford.

Liverpool ayaa guuldarro xanuun badan dhabarka u saarisay kooxda Manchester United oo ay ku booqatay garoonka Old Trafford, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-5, Kulankii ugu xiisaha badan toddobaadkan horyaalka Premier League.

Shabakadda Wararka Manchester Evening News ee dalka England ayaa tilmaamtay in maamulka Manchester United uu haysto sababo ay ku qancin karaan Ole Gunnar Solskjær kahor kulanka xiga ay kooxda kula ciyaari doonto Tottenham Hotspur, Sabtida soo socota, Premier League–ga.

Tiro ka mid ah ciyaartooyda kooxda Manchester United ayaa Solskjaer u jecel shaqsi ahaan, laakiin ma aaminsana inuu leeyahay farsamo xeeladeed oo lagama maarmaan u ah inuu la jaanqaado tababarayaasha ugu fiican Premier League xilligan.

Solskjaer ayaa lala xiriiriyay in ka badan hal mar inuu ka tegeyo garoonka Old Trafford, laakiin taasi ma aysan dhicin, waxayna u muuqataa in markan doonta macalinka reer Norway aysan awoodi doonin inay u adkeysato dabeylaha duufaanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here