Kooxaha Chelsea iyo Arsenal oo iska xaadiriyay wareega siddeed dhammaadka ee tartanka Carabao Cup

0
85

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kulammo ka tirsan wareega 16-ka ee tartanka Carabao Cup ayaa caawa laga ciyaaray dalka Ingiriiska iyadoo ay Arsenal iyo Chelsea la kala ciyaareen kooxaha Leeds United iyo Southampton.

Kooxda Chelsea ayaa iska xaadirisay wareega siddeed dhammaadka ee tartanka tartanka Carabao Cup, kaddib markii ay rigoorooyin 4-3 ah ay kaga adkaatay naadiga Southampton.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Chelsea.

Daqiiqadii 44-aad Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Kai Havertz, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Hakim Ziyech.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 47-aad kooxda Southampton ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay Che Adams.

Ugu dambeyntii 90-ka daqiiqo ee loogu tala galay ciyaarta ayeey labada kooxood isku mari waayeen barbardhac 1-1 ah, waxaana labada kooxood lagu kala saaray rigoorooyin oo ugu dambeyntii kooxda Chelsea ay ku adkaatay rigoorooyin 4-3.

Dhinaca kale kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa iska xaadirisay wareega siddeed dhammaadka ee tartanka Carabao Cup, kaddib markii ay 2-0 kaga adkatay naadiga Leeds United oo marti u ahayd, waxaana goolasha u kala dhaliyay xiddigaheeda kala ah Calum Chambers iyo Eddie Nketiah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here