Osasuna oo taako u dhigtay Real Madrid oo ay ku booqatay garoonkeeda Santiago Bernabéu

0
69

Baladweyne (Radio Beerlula)-Osasuna ayaa taako u dhigtay kooxda Real Madrid oo ay ku booqatay garoonkeeda Santiago Bernabéu, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 0-0 ah, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Real Madrid iyo Osasuna ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 0-0 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Real Madrid iyo Osasuna, kaddib ciyaar aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Santiago Bernabéu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here