Deportivo Alaves oo ku qasabtay Barcelona inay dhibcaha ku qeybsadaan garoonka Camp Nou

0
69

Baladweyne (Radio Beerlula)-Deportivo Alaves ayaa ku qasabtay Barcelona inay dhibcaha ku qeybsadaan garoonka Camp Nou, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 1-1 ah, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Barcelona iyo Deportivo Alaves ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 49-aad kooxda Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Memphis Depay oo caawin ka helay saaxiibkiis Jordi Alba.

52 daqiiqo marka ay dheeshu ahayd Deportivo Alaves ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay Luis Rioja González oo caawin cajiib ah ay kaga timid Joselu.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Barcelona iyo Deportivo Alaves, kaddib ciyaar aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Camp Nou.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here