Manchester United oo ugu dambeyntii ku soo laabatay wadada guusha

0
82

Baladweyne (Radio Beerlula)-Manchester United ayaa ugu dambeyntii ku soo laabatay wadada guusha, kaddib markii ay kaga soo adkaatay Tottenham Hotspur oo ay booqatay 0-3, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada Isbuuca 10-aad ee horyaalka Premier League

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaaminey kooxda martida ahayd ee Manchester United.

Daqiiqadii 39-aad Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay weeraryahankooda Cristiano Ronaldo kaddib markii uu caawin ka helay Bruno Fernandes.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

64 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Edinson Cavani oo caawin ka helay saaxiibkiis Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 0-2 ay ku hor kaceysay kooxda Manchester United.

Daqiiqadii 86-aad Manchester United ayaa sii dheereysatay hoggaanka ciyaarta waxaana 0-3 ka dhigay Rashford kaddib markii ay caawin kaga timid Matic.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-3 ay kaga soo adkaatay Manchester United, kooxda Tottenham Hotspur oo ay booqatay, United ayaa waxay soo gashay kaalinta 5-aad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, waxayna leedahay 17 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here