Solskjaer oo ka careysiiyay taageerayaasha Manchester United kaddib wareysi kulul uu bixiyay

0
69

Baladweyne (Radio Beerlula)-ITababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka xanaajiyay taageerayaasha Red Devils kaddib markii uu ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda ee xilli ciyaareedka soo socda.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa dhaleecayn badan loo soo jeediyay mudooyinkii ugu dambeeyay taas oo ay ugu wacan tahay heerka liita ee kooxda gaar ahaan horyaalka Premier League.

Guuldarradii 5-0 ahayd ay Manchester United kala kulantay kooxda Liverpool ayaa ka dhigtay in dad badan ay codsadaan inuu baxo Ole Gunnar Solskjaer, sababa la xiriira inuu ku guuldarreystay in uu kooxda ku hogaamiyo koobab inkasta oo uu suuqii xagaaga helay heshiisyo waa weyn, gaar ah gaar ahaan Cristiano Ronaldo.

Saxafiga caanka ah ee Fabrizio Romano ayaa soo xigtay wareysiga tababare Ole Gunnar Solskjaer, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Dhaleeceynta waxay iga dhigeysaa inaan sii socdo, sidaas darteed iska sii wada inaad i dhaleeceysaan.”

“Shaqada dadka waa inay ra’yigooda dhiibtaan, mana raadinayo wax dagaal ah oo aan cidna la galo.”

Waxaa xusid mudan in Manchester United ay ku jirto kaalinta shanaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, iyadoo leh 17 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here