Pep Guardiola oo digniin ku aadan Cristiano Ronaldo u diray ciyaartoyda Manchester City

0
71
Mandatory Credit: Photo by ALI HAIDER/EPA-EFE/Shutterstock (10513873k) Portuguese international Cristiano Ronaldo of Juventus Turin attends during the 14th edition of Dubai International Sports Conference in Dubai, United Arab Emirates, 28 December 2019. The conference was launched in 2006 to bring football stakeholders together. 14th edition of Dubai International Sports Conference in Dubai, United Arab Emirates - 28 Dec 2019

Baladweyne (Radio Beerlula)-Pep Guardiola ayaa qirtay in Manchester City ay wajihi doonto imtixaan adag marka ay wajahaan Manchester United kulanka Derby-ga ee sabtida soo aadan ka dhici doono garoonka Old Trafford.

Guardiola ayaa ka war qaba dhibaatada ay ku abuuri karto joogitaanka Cristiano Ronaldo ee Red Devils gaar ahaan kaddib markii uu sii watay wacdarihiisii ​​isagoo 2 gool ka dhaliyay kooxda Atalanta taasoo keentay in United ay dhibic qaali ah kala soo laabato Gewiss Stadium.

Pep oo la hadlay warbaahinta kaddib kulankii Club Brugge wuxuuna ka hadlay kulanka Manchester Derby & inay kooxdiisa kahor imaan doonto Cristiano Ronaldo, wuxuxuna yiri:

“Waxaan wajihi doonaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican taariikhda.”

“Ma aanan daawan kulanka Manchester United ee Atalanta, waan falanqeyn doonaa oo aan arki doonaa waxa ku saabsan, laakiin waan garanayaa waxa ay tahay tayadiisa.”

“Waxaan horay u aragnay xilli ciyaareedyadii lasoo dhaafay, United waxay heysataa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican taariikhda iyo nin noqon kara mashiinka gool dhalinta.”

Man City ayaa heli doonta waqti xaddidan oo ay isugu diyaariyaan kulankaan, maadaama la ciyaari doonto wax ka yar 48 saacadood, xilli Man United ay heli doonto maalin dheeri ah oo ay isku diyaariyaan, laakiin Guardiola ayaa carabka ku adkeeyay inuusan ka cabsaneynin cadaadiska kulammada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here