Manchester United oo qorsheynaysa inay u dhaqaaqdo soo xero-gelinta Erling Haaland xagaaga soo socda

0
75

Baladweyne (Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay isku diyaarinayo inay u dhaqaaqdo soo xero-gelinta Weeraryahanka Naadiga Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaaga soo socda.

21-sano jirkaan ayaa haatan ku maqan dhaawac dhanka sinta ah, lamana filayo inuu garoonka ku soo laabto ilaa marxaladaha hore ee sanadka 2022-ka.

Si kastaba ha noqotee, wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan mustaqbalka xiddigan reer Norway ayaa sii socda, iyadoo kooxaha sida Manchester United, Chelsea, Manchester City, Bayern Munich, Barcelona iyo Real Madrid dhammaantood la sheegay inay xiiseynayaan.

Wargeyska Bild ee ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa warinaya in kooxda 20-ka goor ku guuleysatay horyaalka Ingiriiska ay doonayso inay la saxiixato Haaland xagaaga soo socda, isla markaana ay isku diyaarinayso inay bixiso lacagaha lagu jebin karo heshiiskiisa oo ah 75 milyan oo euro ama 63.8 milyan oo gini.

Weeraryahankan ayaa si xoog leh loola xiriirinayey inuu u dhaqaaqi doono garoonka Old Trafford intii lagu guda jiray waqtigiisii uu joogay kooxda Red Bull Salzburg, laakiin ugu dambeyntii waxa uu ka tagay kooxda reer Austria kuna biiray Dortmund bishii Janaayo ee 2020.

Haaland ayaa dhaliyey 70 gool, waxaana loo diiwaan geliyey 19 caawin 69 kulan oo uu u saftay BVB tartammada oo dhan, waxaana goolashaas ku jira 13 gool oo uu dhaliyey iyo afar uu caawiyey 10 kulan oo uu saftay intii lagu guda jiray fasal ciyaareedkan 2021-22.

Manchester United ayaa dib ula soo saxiixatay Cristiano Ronaldo xagaagii la soo dhaafay, laakiin Edinson Cavani ayaa la filayaa inuu kooxda beeca xorta ah uga tagi doono xagaaga soo socda, taasoo albaabka u fureysa inuu yimaado weeraryahan kale.

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay isku diyaarinayo inay u dhaqaaqdo soo xero-gelinta Weeraryahanka Naadiga Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaaga soo socda.

21-sano jirkaan ayaa haatan ku maqan dhaawac dhanka sinta ah, lamana filayo inuu garoonka ku soo laabto ilaa marxaladaha hore ee sanadka 2022-ka.

Si kastaba ha noqotee, wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan mustaqbalka xiddigan reer Norway ayaa sii socda, iyadoo kooxaha sida Manchester United, Chelsea, Manchester City, Bayern Munich, Barcelona iyo Real Madrid dhammaantood la sheegay inay xiiseynayaan.

Wargeyska Bild ee ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa warinaya in kooxda 20-ka goor ku guuleysatay horyaalka Ingiriiska ay doonayso inay la saxiixato Haaland xagaaga soo socda, isla markaana ay isku diyaarinayso inay bixiso lacagaha lagu jebin karo heshiiskiisa oo ah 75 milyan oo euro ama 63.8 milyan oo gini.

Weeraryahankan ayaa si xoog leh loola xiriirinayey inuu u dhaqaaqi doono garoonka Old Trafford intii lagu guda jiray waqtigiisii uu joogay kooxda Red Bull Salzburg, laakiin ugu dambeyntii waxa uu ka tagay kooxda reer Austria kuna biiray Dortmund bishii Janaayo ee 2020.

Haaland ayaa dhaliyey 70 gool, waxaana loo diiwaan geliyey 19 caawin 69 kulan oo uu u saftay BVB tartammada oo dhan, waxaana goolashaas ku jira 13 gool oo uu dhaliyey iyo afar uu caawiyey 10 kulan oo uu saftay intii lagu guda jiray fasal ciyaareedkan 2021-22.

Manchester United ayaa dib ula soo saxiixatay Cristiano Ronaldo xagaagii la soo dhaafay, laakiin Edinson Cavani ayaa la filayaa inuu kooxda beeca xorta ah uga tagi doono xagaaga soo socda, taasoo albaabka u fureysa inuu yimaado weeraryahan kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here