Kooxda Barcelona oo dib u cusboonaysiisay doonistii Kabtanka Arsenal ee Pierre – Emerick Aubameyang

0
89

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la soo warinayaa inay dib u soo cusboonaysiisay doonistii kabanka naadiga Arsenal ee Pierre – Emerick Aubameyang.

Kooxda ka dhisan gobolka Catalonia ayaa doonaysa inay gacanta ku dhigto weeraryahanka Gunners, marka dib loo furo suuqa kala iibsiga xiddigaha bisha Janaayo.

Barca ayaa xiddiga reer Gabon ee Pierre – Emerick Aubameyang la la xiriirinayey suuqyadii dhowaa oo dhan, balse markale ayay dib u soo cusboonaysiisay doonistiisa kaddib markii uu yimid Macallin Xavi.

Suxufiga reer Turki ee Ekrem KONUR ayaa warinaya in kooxda Barcelona oo muddooyinkii dambe la la xiriirinayey saxiixa Aubameyang ay bisha Janaayo dib ugu soo laabanayso markale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here