Kooxda Real Madrid oo weli bartilmaameedsanaysa mid ka mid ah xiddigaha Chelsea

0
80

Baladweyne (Radio Beerlula)-Sida wararku ay sheegayaan kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa weli bartilmaameed ka dhignaysa xiddiga naadiga Chelsea ee Antonio Rudiger.

Real Madrid ayaa weli ka rajo-dhigin saxiixa daafaca Chelsea ee Antonio Rudiger, waxaana ay doonaysaa inay la soo saxiixato xagaagan sida ay daabacday Jariiradda AS.

Qandaraaska uu Rudiger kula jiro Chelsea ayaa dhammaanaya kaddib xilli ciyaareedkan, waxaana uu beeca xorta ah ku aadi kartaa kooxdii uu doono oo rabta saxiixiisa.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa taageero weyn u ah xiddigan, laakiin waxay ku qaadanaysaa mushahar ku dhow 12 milyan oo euro uu dhiganta 10 milyan oo gini ama 14 milyan oo dollar sanadkii si loogu qanciyo inuu u wareego caasimadda Spain.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here