Solskjaer oo qirtay in Man United ay ku qasban tahay inay ku dhibtooto kulanka la wada sugayo ee Manchester derby

0
78

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær, ayaa qirtay inay lama huraan tahay inay dhibaato kala kulmaan naadiga Manchester City, kulanka derby-ga.

Garoonka Old Trafford ayaa marti galin doona kulanka Manchester derby ee u dhexeeya United iyo City, berri oo Sabti ah, kaasoo ka tirsan kulammada Isbuuca 11-aad ee horyaalka Premier League.

Wargeyska Daily Mail ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay tababare Ole Gunnar Solskjær kahor kulanka Manchester derby, wuxuuna yiri:

“Waan ka soo kabsanay kulankii Liverpool, waa waqti mugdi oo qeyb ka ah nolosheenna xirfadeed, ha filanin safar sahlan marka aad noqoto tababaraha Manchester United ah, waa sida ay tahay.”

“Waan ognahay inay tahay inaan ku dhibtoono kulanka Manchester derby.”

“Markii aan halkan imid December 2018, saddex sano ka hor, tan iyo markaas waxaa jiray hadallo la isla dhexmarayay, taasi dhib ma ahan.”

“Waxa aan qaadanay toddobaad fiican oo aan natiijooyin fiican ku soo helnay meel ka baxsan garoonkeena, waa in aan ciyaarnaa kulanka Manchester derby, anagoo ku fikirayna in aan wax fiican qaban karno, waa derby maxali ah, qof walbana waa uu garanayaa waxa la isku hayo.”

“Ma ihi qof ka hadla waxa aan sameeyay, waxa aan ixtiraam iyo qadarin u hayaa Pep Guardiola iyo waxa uu sameeyay, waxaan helnay natiijooyin wanaagsan, waxaanan u baahanahay qaab ciyaareed kale oo sidan oo kale ah.”

“Mararka qaar waxaad u baahan tahay nasiib, waan ognahay in kulankaan ay tahay inaan dhibtoono wax badan, laakiin waa inaan aaminaa oo aan ku kalsoonaano nafteena, sababtoo ah waxaan ku ciyaareynaa garoonkayaga waxaana gaarnay natiijooyin wanaagsan.”

“Waa kulan gaar ah, markii ugu dambeysay ee aan ku ciyaarnay Manchester derby garoonkeena dhexdiisa iyo jamaahiirteena, jawiga waa uu kacsanaa, waa inaan diyaar u noqonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here