Kooxda Burnley oo ku qasabtay Chelsea in ay dhibcaha ku qeybsadaan garoonka Stamford Bridge

0
34

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Burnley ayaa ku qasabtay Chelsea inay dhibcaha ku qeybsadaan garoonka Stamford Bridge, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 1-1 ah, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-o ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Chelsea.

Daqiiqadii 33-aad kooxda Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Kai Havertz kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Reece James.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

79 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Burnley ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay dheesha Matěj Vydra kaddib markii uu caawin ka helay Rodriguez.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Chelsea iyo Burnley, kaddib ciyaar aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Stamford Bridge, Blues ayaa haatan ku hoggaamineysa horyaalka 26 dhibcood, waxayna 3 dhibcood ka sareysaa Man City oo kaalinta labaad ku jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here