Real Madrid oo Santiago Bernabéu guul kaga gaartay kooxda Rayo Vallecano

0
38

Baladweyne (Radio Beerlula)-Real Madrid ayaa garoonkeeda Santiago Bernabéu guul ay u qalantay kaga gaartay kooxda Rayo Vallecano, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay Los Blancos.

Daqiiqadii 15-aad Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Toni Kroos kaddib markii uu caawin qurux badan ka helay saaxiibkiis Marco Asensio.

39 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Karim Benzema oo caawin ay kaga timid David Alaba ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda cad cadka ah ee Los Blancos.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 77-aad     kooxda Rayo Vallecano ayaa la timid gool, waxaana 2-1 ka dhigay ciyaarta Falcao oo badel ku soo galay dheesha isla markaana caawin ka helay saaxiibkiis Garcia.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 2-1 ay kaga adkaatay Real Madrid, kooxda Rayo Vallecano oo ku soo booqatay garoonka Santiago Bernabéu, Los Blancos ayaa guushan ay gaartay waxay ka dhigtay inay hoggaanka u qabato kala sareynta horyaalka La Liga iyada oo le 27 dhibcood, waxayna 2 dhibcood ka sareysaa Real Sociedad oo 25 dhibcood leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here