Arsenal oo garoonkeeda Emirates guul dirqi ah kaga gaartay kooxda Watford

0
76

Baladweyne (Radio Beerlula)-Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates guul dirqi ah kaga gaartay kooxda Watford, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Arsenal iyo Watford ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 56-aad kooxda Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay laacibkooda Smith-Rowe.

Ugu dameyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-0 ay kaga adkaatay Arsenal kooxda Watford oo ku soo booqatay garoonka Emirates, Gunners ayaa guushan ay gaartay waxay ka dhigtay inay soo gasho booska 5-aad ee kala sarreynta horyaalka, kaddib markii ay uruursatay 20 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here