Kooxaha AC Milan iyo Inter oo dhibcaha ku qeybsaday kulankii la wada sugayay ee Milan Derby

0
55

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxaha AC Milan iyo Inter ayaa dhibcaha ku qeybsaday kulankii la wada sugayay ee Milan Derby, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 1-1 ah , xilli ciyaartan ay qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Talyaaniga

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood AC Milan iyo Inter ku kala nasteen barbardhac 1-1 ah.

Daqiiqadii 11-aad kooxda Inter ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Hakan Çalhanoğlu oo gool u badalay rigoore loo dhigay Nerazzurri.

Laakiin 17 daqiiqo marka ay dheesha mareysay AC Milan ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu gool iska dhaliyay Stefan de Vrij, dheesha ayaa sidaas ku noqotay garbo siman 1-1.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii kulankii adkaa ay wada sugayeen mucaashiqiinta kubadda cagta ee Derby della Madonnina ayeey labada kooxood AC Milan iyo Inter ku kala baxeen barbardhac 1-1 ah, Rossoneri oo aruursatay 32 dhibcood ayaa ku jirta kaalinta labaad ee kala sareynta horyaalka, halka Nerazzurri ay saddexaad ku jirto, waxayna leedahay 25 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here