West Ham oo London Stadium saddexada dhibcood kaga qaadatay kooxda Liverpool

0
71

Baladweyne (Radio Beerlula)-West Ham ayaa garoonkeeda London saddexada dhibcood kaga qaadatay kooxda Liverpool, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-2, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood West Ham United iyo Liverpool ku kala nasteen barbardhac 1-1 ah.

Daqiiqadii 4-aad ee bilowgii ciyaarta kooxda kubadda cagta West Ham United ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu gool iska dhaliyay goolahayaha Liverpool ee Alisson Becker, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 1-0.

41 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Liverpool ayaa la timid goolka barbardhac waxaana 1-1 ka dhigay Alexander-Arnold oo caawin ka helay saaxiibkiis Mohamed Salah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 67-aad Pablo Fornals oo caawin ka helay saaxiibkiis Jarrod Bowen ayaa wuxuu hoggaanka u dhiibay kooxdiisa West Ham United, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1.

74 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Kurt Zouma ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 3-1 ay ku hoggaamineysay kooxda West Ham United, waxaana goolkan ka caawiyay Jarrod Bowen.

Daqiiqadii 83-aad Divock Origi oo caawin ka helay saaxiibkiis Alexander-Arnold ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 3-2.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-2 ay kaga adkaatay West Ham United, kooxda Liverpool oo marti ugu ahayd garoonka London, West Ham ayaa kaalinta saddexaad ka soo gashay kala sarreynta horyaalka, waxayna leedahay 23 dhibcood, halka Reds oo heysata 22 dhibcood ay ku jirto kaalinta afaraad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here