Chelsea oo qorsheyneysa inay durba bisha January Saul dib ugu celiso Atletico Madrid

0
57

Baladweyne (Radio Beerlula)-Sida lagu helay wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxay dalka Ingiriiska, kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa diyaar u ah inay bisha January ee sanadka dambe burburiso heshiiska amaahda ah ee uu Saul Niguez kula joogo kaddib markii uu laacibkan soo bandhigay qaab ciyaareed liita daqiiqadihii yaraa ee uu saftay.

Laacibkan khadka dhexe ka ciyaara ayaa Blues u saftay kaliya 239 oo ka kala yimid shan kulan tan iyo markii uu kusoo biiray, waxaana ka daqiiqado yar oo qura goolhaya dookha saddexaad ee Marcus Bettinelli, sidaas darteed, qaab ciyaareedkiisa oo aanan cajabin Tababare Thomas Tuchel, waxay kooxda Ingiriiska ah dooneysaa inay 26-sano jirkan u celiso kooxda mulkiyaddiisa iska leh ee Atletico Madrid.

Balse dhinaca kale, naadiga ka dhisan caasimadda dalka Spain ayaanan dooneyn inay Chelsea bartamaha xilli ciyaareedka burburiso heshiiska amaahda ah, sidaas darteed, ma jiro qodob kooxda Macallin Tuchel u oggolaanaya inay Saul dib ugu celiso Atletico.

Si kastaba ha ahaatee, Los Colchoneros ayaa suuqii xagaagan bixitaanka Sual dartiis ku heshay inay amaah kula soo saxiixato xiddigeedii hore ee Antoine Griezmann oo ay Barcelona kasoo qaateen, waxaana taasi ay muujineysaa inaysan Saul qaabili karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here