Kooxda Aston Villa oo Macallinkeeda cusub u magacaabatay Steven Gerrard

0
73

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Aston Villa ayaa ku dhawaaqday in macallinkeeda cusub ay ka dhigatay halyeygii Liverpool ee Steven Gerrard.

“Aston Villa waxa ay ku dhawaaqaysaa inay Steven Gerrard u magacawday macallinkeeda cusub” ayuu u dhignaa bayaan ka soo baxay kooxda Premier League.

Gerrard ayaa Glasgow Rangers ku hoggaamiyay hanashada horyaalka Scotland xilli ciyaareedkii hore, isagoo kal ciyaareedka ku dhammaystay iyagoo aan laga badin horyaalka.

41-sano jirkaan ayaa shaqadiisa waxa ay soo jiitay dad badan oo xiiseeya ciyaaraha, waxaana uu wax ka bedelay qaab weerarka kooxda, isagoo sidoo kale hirgaliyay qaab soo jiidasho leh oo la la cajabayo marka ay kooxdiisu ciyaarayso.

Gerrard oo ku riyaaqay xirfad ciyaareed ee heerka sare ah oo uu la soo qaatay Kooxda Liverpool iyo xulka qaranka England ayaa ku biiray Rangers sanadkii 2018 kaddib markii uu tababare ka ahaa Akadeemiga Liverpool.

Kabtankii hore ee Kooxda Liverpool haatan waxa uu ku soo laabtay horyaalka Premier League, waxaana hortaalla shaqo adag oo ah inuu kooxda ku haayo horyaalka, maadaama ay haatan ku jiraan kaalinta 16-aad ee kala sarreynta EPL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here