Labada laacib ee bartilmaameedka sare u ah Macallinka cusub ee Barcelona Xavi oo durba la ogaaday

0
56

Baladweyne (Radio Beerlula)-Waxaa durba la ogaaday labada laacib ee uu bartilmaameedka sare ka dhiganayo macallinka cusub ee kooxda kubadda cagta Barcelona ee Xavi.

Jariiradda Mundo Deportivo ayaa warinaysa  labada weeraryahanka ee Dani Olmo iyo Ferran Torres ay ugu sarreeyaa liiska xiddigaha uu suuqa ka doonayo macallinka cusub ee Barcelona.

Tababaraha cusub ee kooxda Barcelona, Xavi ayaa Dani Olmo iyo Ferran Torres waxa uu ka dhigtay labada ciyaaryahan ee bartilmaameedkiisa ugu weyn uu ka dhiganayo suuqa kala iibsiga xiddigaha sida ay warinayo Jariiradda Mundo Deportivo.

Kooxda ka dheesha horyaalka La Liga ayaa doonaysa inay haysato xulashooyin badan oo dhanka weerarka ah, waxaana ay bartilmaameedsanaysaa xiddiga xulka qaranka Spain ee haatan ka kala tirsan kooxaha RB Leipzig iyo Manchester City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here