Barcelona oo ku dhawaaqday in ay heshiis horudhac ah la gaartay Dani Alves

0
65

Baladweyne (Radio Beerlula)-Barcelona ayaa ku shaacisay website-keeda rasmiga ah, inay heshiis horudhac ah la gaartay xiddigeedii hore ee reer Brazil Dani Alves, si uu ugu biiro kooxda qeybta labaad ee xilli ciyaareedkaan.

Daafaca reer Brazil ayaa ku biiri doona tababarka Barca, laga bilaabo toddobaadka soo socda, laakiin ma awoodi doono inuu ciyaaro kulammada kooxda, ilaa iyo bisha January ee soo aadan.

Waxaa la filayaa in Barcelona ay ku dhawaaqdo inta ka harsan xogta heshiiska, inta lagu guda jiro soo bandhigida rasmiga ah ee ciyaaryahanka.

War rasmi ah ee soo saartay kooxda Barcelona ayaa lagu sheegay:

“Barcelona iyo Dani Alves waxa ay gaadheen heshiis mabda’a ah oo ku saabsan in laacibku uu ku biiro kooxda koowaad inta ka harsan xilli ciyaareedkaan.”

Bayaankan ka soo baxay kooxda Barcelona ayaa waxaa la sii raaciyay:

“Laacibka reer Brazil waxa uu ku biiri doonaa tababarka Isbuuca soo socda, laakiin ma ciyaari karo ilaa January.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here