Laacibka ku guuleystay abaal-marinta xiddiga bisha October ugu fiicnaa horyaalka Premier League oo la shaaciyey

0
55

Baladweyne (Radio Beerlula)-Waxaa la shaaciyey xiddiga ku guuleystay abaal-marinta laacibka bishii October ugu fiicnaa ee horyaalka Premier League, kaasoo wacdarro aan leyska indho tiri Karin ka dhigay horyaalka bishii la soo dhaafay.

Sida lagu xusay bogga rasmiga ah Twitter-ka ee horyaalka Premier League laacibka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ku guuleystay abaal-marinta ciyaaryahankii ugu fiicnaa horyaalka Premier League bishii lasoo dhaafay ee October.

Xiddiga kooxda Liverpool iyo xulka qaranka Masar ee Mohamed Salah ayaa dib u helay abaal-marin oo ka maqneyd muddo ka badan 3 sano.

Mohamed Salah wax qabad fican ayuu la yimid bishii la soo dhaafay ee October, isagoo dhaliyay 5 gool, oo ay ku jirto saddexleydii uu kaga dhaliyay Manchester United garoonka Old Trafford, marka lagu daro in 4 gool kale uu ka caawiyay saaxiibadiisa.

Si kastaba ha noqotee, ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Massar ayaa hoggaanka u haya liiska gooldhaliyeyaasha ugu sareeya horyaalka Premier League isagoo dhaliyay 10 gool kaddib 11 kulan laga ciyaaray horyaalka Premier League xilli ciyaareedka.

Yeelkeeda Salah iyo saaxiibadiis ayaa isku diyaarinaya kulanka ay Arsenal kula ciyaari doonaan garoonkooda Anfield, 20-ka bishan November, ciyaar qeyb kulammada Isbuuca 12-aad horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here