Man United oo haddii ay cayriso Solskjaer kalsooni ku qabta inay gacanta ku soo dhigayso mid ka mid ah afar tababare oo la la xiriirinayey

0
65

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay kalsooni buuxda ku qabto inay gacanta ku soo dhigayso mid ka mid ah afar tababaro oo baltimaameed u ahaa.

Red Devils ayaa bartilmaameedkeeda koowaad ka dhiganaysa Macallinka Leicester City ee Brendan Rodgers.

Wargeyska The Sun ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa warinaya in Manchester United ay bartilmaameedkeeda koowaad ka dhigatay Macallinka Naadiga Foxes haddii ay go’aansadaan inay iska cayriyaan Tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Red Devils waxa ay shaqaaleysiisay wakiil horudhac ah si uu u indha-indheeyo tababarayaal cusub, iyadoo Macallinka Foxes uu ugu sarreeyo haatan liiska afarta Tababare ee la la xiriirinayey oo ay sidoo kale ku jiraan Antonio Conte, Zinedine Zidane iyo Erik ten Hag.

Conte ayaa ku biiray kooxda Tottenham, halka Zidane iyo Ten Hag aysan haatan xiiseyneynin inay qaataan doorkaas, laakiin Man United ayaa kalsooni weyn ku qabta inay Rodgers u soo dhaqaajin karaan garoonka Old Trafford haddii ay go’aansadaan inay isbedel sameeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here