Fabrizio Romano oo shaaciyey Kooxda qarka u saaran inay dhammaystiro saxiixa Goolhaye André Onana

0
62

Baladweyne (Radio Beerlula)-Suxufiga Fabrizio Romano ayaa shaaca ka qaaday kooxda qarka u saaran inay dhammaystiro saxiixa Goolhaye André Onana.

Kooxda kubadda cagta Inter Milan ee ka dhisan dalka Talyaaniga ayaa qarka u saaran inay dhammaystiro heshiiska ay kula wareegayso Goolhayaha xulka qaranka Cameroon iyo Naadiga Ajax ee André Onana.

Suxufiga reer Talyaani ee Fabrizio Romano ayaa shaaciyey in wax waliba ay dhammaad ku dhow yihiin, isla markaana uu goolhayahan heshiis afka ah la gaaray Kooxda Inter Milan tan iyo bisha July, waxaana uu intaa raaciyey inuu kooxda Inter u saxiixi doono bilaha soo aaddan heshiis afar sanadood ah.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu warkan ku xaqiijiyey Fabrizio Romano, wuxuuna u dhignaa: “Qorshooyinka André Onana waa ay cad yihiin waana la xaqiijiyay, heshiis afka ah ayuu la gaaray Inter tan iyo July, heshiis afar sano ah ayuuna saxiixi doonaa bilaha soo socda.”

Waxa uu qormadiisa intaa ku daray Suxufigan Talyaaniga ah in Inter Milan aysan wax welwel ah ka qabin tartanka kooxaha kale, isla markaana heshiiska la dhameystiri doono marka Onana uu noqdo mid lagu heli karo beeca xorta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here