Chelsea Oo Xiddig Kale Ka Saxiixaneysa Hishiis Cusub

0
63

Baladweyne (Radio Beerlula)- Ilo wareedyo saxaafadda Ingiriiska qorayaan ayaa sheegaya in Chelsea damacsan yihiin in ay hishiis ka saxiixdaan mid ka mid ah dafayacada asaasiga ee kooxda .

Laba todobaad ka hor waxa ay hishiis cusub ka saxiixdeen daafacooda da`da yar ee Trevoh Chalobah kaasi oo qalinka ku duugay qandaraas muddo dheer ah .

Sida Sports Mole soo xiganeyso , Chelsea ayaa haatan dooneysa in hishiis cusub ka saxiixdaan daafaca reer Brazil ee Thiago Silva

Laacibkaan ayaa qaab xor ah sanad ka hor ugu yimid Chelsea xilligaas oo uu ka soo wareegay PSG waxa uuna xilli ciyaareedkiisa koowaad la qaaday Champion-ka , waxaana waqtigas la siiyay hishiis ilaa June 2022-ka ah

Laacibkaan ayaa la filayaa in haatan la siiyo hishiis gaaraya illaa dhamaadka xagaaga 2023-ka

Inkastoo daafacaaan uu sii duqoobayo hadana xiddigaha ugu muhiimsan Chelsea ayuu ku jiraa ,12 kulan ayuu saftay xilli ciyaareedkaan dhamaan tartamada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here