Florentino Perez Oo Kashifay Dalabkii Ay Real Madrid Ka Gudbisay Kylian Mbappe Xagaagii

0
62

Baladweyne (Radio Beerlula)- Madaxweynaha Kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa kashifay dalabkii ay kooxdiisu ka gudbisay saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe suuqii xagaaga si ay u helaan saxiixiisa.

Kooxda Real Madrid ayaa aad loola xidhiidhinayay xiddiga Kylian Mbappe xagaagii oo dhan iyada oo uu xiddiga laftiisu doonayay in uu ku biiro kooxda Real Madrid.

Florentino Perez Oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Koooxaha ay dalalku leeyihiin xiddigaha ma iibiyaan”.

“Waxa aan PSG miiska u saarnay dalab 200 oo milyan ah si aan u helno Mbappe laakiin way diideen in ay naga iibiyaan”.

“Marka ay xiddiguhu dhamaystaan heshiiskooda ayaa fiican”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here