Qiimaha shidaalka dalka Mareykanka oo sare u kacay.

0
27

Baladweyne (Radio Beerlula)-Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa wakaaladda Ganacsiga ee Federaalka ugu baaqay inay baaraan sababta keentay sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka.

Madaxweynaha ayaa todobaadkii hore mudnaantiisa koowaad ka dhigay la dagaalanka sicir bararka ka dib markii ay soo baxday xog muujisay in qiimaha maciishaddu uu bsihii October gaaray heerkii ugu sarreeyay muddo 30-sano ah.

Biden ayaa waraaq uu u diray Guddiga Qaran ee arrimaha Ganacsiga ee Federaalka (FTC), waxa uu farta ku fiiqay shirkadaha shidaalka oo uu sheegay in ay kordhiyeen qiimaha shidaalka, isagoo faray wakaaladdu in ay eegto in “hannaan sharci darada ah” uu keenay kor u kaca ku yimid qiimaha shidaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here