Dowladda Hindiya oo ka baabi’isay shuruuc muran badan dhalisay.

0
75

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ra’iisul wasaaraha Dalka Hindiya Narendra Modi ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu baabi’iyo sharciyo dhaliyay muran,isla markaana beeraleyda dalkaasi ku qasbay in muddo sanad ah ay ka mudaharaadaan  sharciyadaasi.

Modi oo maanta khudbad jeediyay ayaa yiri “Maanta waxaan u sheegeynaa dadka dalka oo dhan, inaan go’aansanay inaan ka laabano dhammaan sharciyadii khuseeyay beeraha.

Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka Hindiya ayaa la filayaa in gebi ahaan ay baabi;iso sharciyadaasi oo la soo bandhigay bishii Sebtembar ee sannadkii hore .

Sharciyada horey u soo saartay dowladda Hindiya islamarkana ay ka soo horjeesteen beeraleyda ayaa waxaa ka mid ah sharciga Waxsoosaarka Beeraha iyo Ganacsiga kaasoo beeraleyda ku qasbaya in meel aan suuq aheyn  aysan ku iibin karin wax soo saarkooda,.

Beeralayd a ayaa haatan ku faraxsan in ay xor u yihiin ganacsiga wax soo saarkooda,isla markaana ay ka iibsan karaan cid kasta,iyagoo diidan in la jaangooyo ama la xakameeyo qiimaha la kala siisto nuucyada dalagyada iyo in la kala furfuro isku xirnaantii kooxaha ganacsatada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here