Xuska maalinta arruurta Adduunka oo maanta ku began.

0
48

Baladweyne (Radio Beerlula)-Maalinta Carruurta Adduunka ayaa markii ugu horreysay la aasaasay sannadkii, 1954-kii iyado sannad kasta 20 November loo dabal dego maalintan, si kor loogu qaado wadajirka caalamiga ah, ee wacyiga carruurta adduunka oo dhan, iyo horumarinta daryeelkooda.

20-ka November sannadkii 1959-kii golaha guud Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay Baaqa Xuquuqda Carruurta, sidoo kale golaha loo dhan yahay ee qara

mada midoobay ayaa sannadkii 1989kii meel mariyey Axdiga Xuquuqda Carruurta.
Laga soo bilaabo 1990, waxaa sannad kasta la xusa maalinta caalamiga ee carruurta Adduunka kadib markii golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay uu meel mariyay baaqa xaquuqda caruurta iyo Axdiga Xuquuqda Carruurta.

Cudurka karoona feyris ee xiligan ka jira dunida ayaa si la mid ah dadka waa weyn u sameeyay caruurta kadib markii inta badan ay ka qaabsadeen goobaha waxbarshada.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Cabdi Saneey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here