Zidane saaxiibkiis oo tilmaamay calaamad muujinaysa inuu ku dhow yahay inuu tababare u noqdo Manchester United

0
52

Baladweyne (Radio Beerlula)-Maalmihii u dambeeyay, magaca Zidane ayaa lala xiriirinayey kooxda Manchester United, taasoo dhibaato badan ku haysa hoggaanka macallinkiisa hadda ee Ole Gunnar Solskjaer, Red Devils ayaana ku jirta kaalinta lixaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, iyadoo leh 17 dhibcood.

Emmanuel Petit oo ah halyeey xulka qaranka France ayaa xaqiijiyay in saaxiibkiis hore ee Zinedine Zidane uu baranayo luuqada English-ka, taasoo muujineysa inuu albaababada u furayo suurtagalnimada ah inuu ku tababaro mid ka mid ah kooxaha ka dhisan horyaalka Premier League ee dalka England.

Hadaba shabakada TalkSport ee dalka England ayaa waxay shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Emmanuel Petit, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Zinedine Zidane wuxuu baranayaa luqada Ingiriiska… waa u muhiim xirfadiisa.”

“Haddii aad tababare u tahay koox kubadda cagta ah, waxaad u baahan tahay inaad ku hadasho luqado kala duwan.”

“Waan ogahay in Zidane uu ku hadlo luqado kala duwan, laakiin waxaan hubaa in luqada Ingiriiska aanu ku jirin.”

“Xiriirku aad buu muhiim u yahay, marka haddii aadan ku hadli karin luqadda marka aad timaado koox sida Manchester United ah, taasi waa dhibaato weyn.”

“Waan ogahay in Zidane uu baranayo luqada Ingiriiska dhawaanahan, sidaas darteed waxaan u maleynayaa inuu ogyahay inay muhiim u tahay xirfaddiisa, laakiin xiriirka Zidane iyo Manchester United, run ahaantii uma maleynayo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here