Horudhac: Granada vs Real Madrid

0
50

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa hammineysa inay ugu yaraan si ku meel gaar ah u qabato hoggaanka horyaalka La Liga haddii ay ka adkaato kooxda Granada oo ay lasoo ciyaari doonto kulan ka tirsan horyaalka.

Los Blancos ayaa toddobaadkii 14-aad ee La Liga ciyaareysa iyadoo kulan baaqi ah heysata, waxayna haatan booska saddexaad kula jirtaa 27 dhibcood, waxayna hal dhibic u jirtaa kooxaha isku dhibcaha ah ee Sevilla iyo Real Sociedad oo min 28 leh, guul ay qaadato ayaana kaga filan inay hoggaanka la wareegto.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain  – La Liga

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 06:15 Maqribino xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Estadio Nuevo Los Carmenes

Garsooraha: Juan Martinez (Spain)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here