Lacag ka daadatay baabuur oo jahawareer ka abuurtay dalka Mareykanka kadib markii dad badan ay ku xoomeen.

0
53

Baladweyne (Radio Beerlula)-Lacag ka daadatay baabuur marayay mid kamid ah waddooyinka Mareykanka ayaa waxaa ka dhashay jahwareer iyo saxmad dhanka waddooyinka ah kadib markii dadweyne ay ku kala yaaceen lacagta.

Waxaan xaaladda soo farageliyay booliska si ay u kala eryaan dadkii ku soo xoomay lacagta si ay waddada u furaan.

Booliska ayaa xiray qaar kamid ah dadkii jahwareeraka ka dhaliyay goobta markii ay lacagta ay kasoo daadatay baabuur qafilan oo waddada marayay.

Muuqaallo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay lacagta oo kasoo daadaneyso baabuurka xilli dadka ay kusoo xoomeen si ay u uruursadaan doolarka ku kala firdhay waddada.

Arrintani ayaa saaka ka dhacday gudaha degmada San Diego ee gobolka California dalka Mareykanka.

Booliska waxay sheegeen in markii darawaladda ay arkeen lacagta ay baabuurtooda kaga dhex tageen bartamaha waddada taas oo horseeday in waddada ay xiranto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here