Madaxwayne xilka haysay muddo 85 daqiiqo ah

0
59

Baladweyne (Radio Beerlula)-Madaxwayna ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa noqotay haweeneydii ugu horeeysay oo muddo kooban madaxwayne ka noqota dalka Mareykanka.

Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii madaxwayne loo diray baaritan cafimaad oo si joogta ah uu u maro.

Ms Harris, oo 57 jir ah, ayaa awoodda dalkasi haysay 85 daqiiqo, xilligaasi oo Mr Biden ku guda jiray baaritaan caafimaad.

Bayaan uu soo saaray dhakhtarka Mr Biden ka dib baaritaanka ayuu ku sheegay in uu madaxwaynuhu caafimaad qabo islamarkana uu waajibaadkiisa gudan karo.
Baaritaankan caafimaad ayaa ku soo beegmaya xilli madaxwaynaha uu u dabaaldagayo sanadguuradii 79 ee dhalashadiisa.

Ms Harris ayaa shaqadeeda gudanaysay iyada oo ku sugan xafiiskeeda ku yaalla Washinton, sida ay sheegeen saraakiisha .

Waa haweeneydii ugu horeysay oo madaxwayna ku xigeen ka noqotay dalka Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here