Xuska maalinta macalinka Soomaliyeed oo maanta loo dabal degayo.

0
55

Baladweyne (Radio Beerlula)-21-ka Novembar waa maalin ku wayn umada Soomaaliyeed, waxayna ku asteesantahay maalinta Macalinka Soomaaliyeed, iyadoona munaasabado lagu weyneynayo maalintan lagu qabto gudaha dalka.

Sannadkii 1974-tii bishii November 21-keeda ayaa loo aqoonsaday maalinta macalinka waxaana shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda ay maalintan si wada jir ah u muujiyaan doorka macalinka uu ka qaato horumarinta waxbarashada si loo helo jiil mustaqabalka dalka anfaca.

Macalimiinta Soomaaliyeed ayaa 30-kii sano ee dalka uu ku jiray burburka ku soo shaqeeyay duruufo adag iyagoo intooda badan qaadan mushaarad ku filan, basle taa badalkeeda ay isku xilqaameen inay soo saaran jiil mustaqbalka dalka anfaca.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Axmad Nuur Daahiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here