75 tahriibayaal ah oo ku geeriyooday badda u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga

0
66

Baladweyne (Radio Beerlula)-Hay’adda socdaalka Qaramada Midoobay ee IOM ayaa sheegtay in 75 tahriibayaal ah ay ku dhinteen badda Mediterranean-ka ee waqooyiga Liibiya horraantii toddobaadkan xilli ay doonayeen inay gaaraan Talyaaniga.

Ururka caalamiga ah ee socdaalka ayaa ku sheegay masiibadii ugu dambaysay bartooda twitter-ka Sabtidii, iyagoo xogtan ku sheegay in 15 qof oo dadkaas la socday ay soo badbaadiyeen kalluumaysato, isla markaana la keenay dekedda Zuwara ee waqooyi-galbeed ee Liibiya.

Qaramada Midoobay ma aysan bixin macluumaad dheeri ah oo la xiriira musiibadan.

Sidoo kale Sabtidii, Ilaalada Xeebaha Talyaanigu waxay soo badbaadiyeen in ka badan 420 tahriibayaal ah, oo ay ku jiraan tobannaan carruur ah, oo saarnaa doonyo dhibaato badan kala kulmay Badda Mediterranean-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here