Pedri Gonzalez oo ku guuleystay sanadkan abaal-marinta Golden Boy 2021

0
71

Baladweyne (Radio Beerlula)-Sida uu shaaca ka qaaday Wargeyska Talyaaniga ah ee Tuttosport, Pedri Gonzalez ayaa ku guuleystay abaal-marinta Wiilka dahabiga ah ee Golden Boy 2021.

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Barcelona, Pedri Gonzalez ayaa hantan abaal-marintan kaddib markii uu la yimid bandhig cajiib ah xilli ciyaareedkii 2020-21, isagoo ka mid ahaa xiddigaha ugu muhiimsan koxodiisa Barca.

18-sano jirkaan muhiimka u soo ahaa kooxda Blaugrana, isla markaana dalkiisa Spain ku metelay tartankii koobka qarammada qaaradda Yurub ee Euro 2021 iyo Olympics ayaa gacanta ku dhigay abaal-marintan.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Pedri uu abaal-marintaas ku guddoomi doono magaalada Turin ee dalka Talyaaniga 13-ka bisha soo aaddan ee December.

Xiddigii ugu dambeeyey ee ku guuleystay abaal-marintan sanadkii hore ee 2020 waxa uu ahaa Erling Haaland, waxaana kaga sii horreeyey Joao Felix (2019), Matthijs de Ligt (2018) iyo Kylian Mbappe (2017).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here