Xarun cusub oo loogu talo galay hooyada iyo dhalaanka oo laga dhagax dhigay magaalada Boosaaso.

0
76

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa xaafadda Fardows ee magaaladda bosaaso ka dhagax dhigtay xarunta hooyadda Iyo dhalaanka.

Dhismaha xaruntan ayaa waxa maalgalinaysaa Hayadda Qatar Charity halka ay fulinayso Hayadda Khayriga ah ee tadaamun waxana si wada jir ah u dhagax dhigay Agaasimaha Guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland Gudoomiye ku xigeenka degmadda bosaaso iyo Madax ka socotay hayadda Tadaamun iyo masuuliyiin kale.

Cabdiraxmaan Cabdirisaaq oo ka socday Hayadda Khayriga ah ee tadaamun ayaa ka waramaya ujeedka loo dhagaxdhigay xaruntan caafimaad

Isku duwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Bari Saciid Maxamad Waraabe ,Agaasimaha guud wasaaradda caafimaadka Puntland C/risaaq Xersi Xasan iyo xubno kale oo ka socday maamulka degmada Boosaaso ayaa sheegay in muhiimad weyn ay u leedahay dhismaha xaruntan caafimaad bulshada Boosaaso

Warbixintan waxaa soo jeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here