Ardey barata cilmiga caafimaadka oo tababar aqoontooda kor loogu qaadayo looga furay Baladweyne

0
59

Baladweyne (Radio Beerlula)-Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu qabtay tababar ku saabsan sida loo talo qofka dhaawaca ah ,Duriinka iyo la macaamilka bukaanka iyadoona tababarkan ay ka qeyb galayaan 7 dhallinyaro ah oo wax ka barata goobaha lagu barto cilmiga caafimaadka.

Aadan Yuusuf Xuseen oo bartay caafimaadka guud isla markaana bixinaya tababarkan ayaa Radio Beerlula uga waramay muhiimada tababarkan.

Qaar kamid ah dhallinyarada ka qeybgalaya tababarkan ayaa Radio Beerlula u sheegay ineey waxbadan ka faa-idi doonaan inta uu socdo tababarkan.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Axmad Nuur Daahiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here