Ciidamadda Badda Tuunis Oo Soo Badbaadiyay In Ka Badan 200 Oo Tahriibayaal ah

0
73

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ciidamadda ilaalada xeebaha dalka Tuunis ayaa sheeegay inay soo badbaadiyeen 223 qof oo doonayay inay tahriib ku galaan wadamada Yurub.

Afhayeenaka ciidamada ilaalada xeebaha Tuunis Xusaam Al-Diin Al-Jabaali ayaa warbaahinta u sheegay in dadkaan la soo badbaadiyay isagu jiraan 112 qof oo kasoo jeeda waddamo Afrikaan ah, halka inta kale ay yihiin muwaadiniin reer Tuunis ah.

Muddooyinkii u dambeeyay dalka Tuunis waxaa si aad ah ugu soo badanaayay muhaajiriinta dooneysa inay u gudbaan wadamada Yurub kuwaas oo dalalkoodi uga soo cararary dhibaatooyin dhaqaale iyo amni xumo.

Dowladda Tuunis ayaa dadaal badan ku bixineysa si ay uga hortegi leheed tahriibayaalka u isticmaalaya xuduudeeda si sharci darro ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here