Dowlada Soomaliya oo ku dhawaaqday in dalka uu galay xaalad bini’aadanimo oo deg deg ah.

0
50

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ra’iisul Wsaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ku dhawaaqay in dalku galay xaalad bani’aadminimo oo deg deg ah oo ka dhalatay abaaraha dalka ku sii baahaya, ka dib marki uu guddoomiyay shir aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirradu ka yeesheen xaaladda abaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dadka Soomaaliyeed iyo dunida ugu baaqay in deg deg loogu soo gurmado Shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.

Abaarta ku dhufatay dalka ayaa si weyn u sameysay dadka iyo duunyada ku nool gobollada jubbooyinka iyo Gedo,taasoo galafatay xoolo badan oo iskugu jira lo’ ari iyo geel kadib markii inta badan gobolladan aysan ka da’in roobabkii guga iyo deyrta taasoo horseeday inay guran ceelashii biyaha ay ka cabi jireen dadka iyo duunyada.
Sidoo kale gobollada Hiiraan, Galgaduud, Mudug, Nugaal, bari, shabeellaha hoose, Bay iyo Bakool ayaa waxaa ka jirta abaar sameysay dadka iyo dunyada iyadoona inta badan dadkii reer miyiga ahaa ay soo micin bideen magaalooyinka kadib markii abaarta ay dhaafisay xoolihii ay heysteen.

Warbixintan waxaa inoo haya Cumar Yuusuf Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here