Horudhac: Chelsea vs Juventus

0
58

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa dooneysa inay hanato hoggaanka guruubkeeda H ee tartanka Champions League ciyaarta ay caawa garoonkeeda kula leedahay Juventus oo haatan ugu sarreysa guruubka.

Blues ayaa dhinaca kale u baahan ugu yaraan dhibic si ay u xaqiijiso usoo bixitaankeeda wareegga 16-ka tartanka Champions League maadaama ay haatan leedahay sagaal dhibcood, halka Bianconeri ay goor hore xaqiijisay booskeeda wareegga bug-baxda kaddib markii ay guul gaartay dhammaan afartii ciyaarood ee hore.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Yurub – Champions League

Saacadda ay bilaabaneyso ciyaarta: 11:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika

Garoonka: Stamford Bridge

Garsooraha: Srdjan Jovanovic (Serbia)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here