Kenya oo shacabka ku qasbeysa inay qaataan tallaalka COVID-19

0
53

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dowladda Kenya ayaa dadkeeda uu baaqday inay qaataan tallaalka cudurka COVID19 iyada oo sidoo kale shaacisay in laga bilaabo dhamaadka bisha soo socota ay dalkeeda kusoo rogi doonto sharci ah in dadku aysan heli doonin adeegyada ay uga baahan yihiin xafiisyadda dowladda.
Sidoo kale dowlada ayaa sheegtay in Makhaayadaha iyo baabarka wadankaasi dadka aysan ka heli doonin adeeg ilaa ay keenaan shahaadada muujinaysa in qofku uu qaatay tallaalka cudurka COVID19.
Dunida oo idil ayaa waxaa wali saameyn xoog leh ku hayo cudurka safmarka ah ee karoona waxaana wali laga digaya in dalalka qaar aysan isku safrin maadama markii hore dalalka caalamka ay is dhaafsan jireen badeecooyin kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here