Taliska qeybta afaraad ee AMISOM iyo maamulka gobolka Hiiraan oo daah furay barkad ay biyaha ka dhaansan doonaa dadka degan deegaanka Ceel jaale ee Baladweyne

0
71

Baladweyne (Radio Beerlula)-Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo taliyaha qeybta afaraad ee ciidamada AMISOM Col Xassan Jaamac Faarax, iyo taliyaha ciidamada jabuuti ee gobolka Hiiraan Col Cabdulahi Muuse Cumar, ayaa si wada jir ah u daah furay barkad ciidamada AMISOM ay ka dhiseen deegaanka Ceel jale islamarkana loogu talo galay in dadka barakacayasha iyo kuwa danyarta ay ka dhaansadan biyaha, iyadoo maalin kasta barkadan ay biyaha ku shubi doonto mid ka mid ah booyadaha ciidamada.

Taliyaha qeybta afaraad ee ciidamada AMISOM Col Xassan Jaamac Faarax, iyo taliyaha ciidamada jabuuti ee gobolka Hiiraan Col Cabdulahi Muuse Cumar ayaa si wada jir ah uga waramaya sababta keentay in ciidamada Jabuuti ay dhisan barkadan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in markasta ay soo dhaweynayaan cid kasta oo wax tareysa bulshada .

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Cabdi Saneey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here