In ka badan 30 caruur ah oo danyar ah oo waxbarasho lacag la’aan ah ka heshay madarasada Al Macruuf ee Baladweyne

0
54

Baladweyne (Radio Beerlula)-Madarsada Almacruuf oo ah madrso lagu barta quraanka kariinka oo ku taalo xaafada kooshin ee magaalada Baladweyne ayaa waxaa fursado waxbarasho oo lacag la,aan ah ka helay in kabadan 30 arday oo danyar iyo agoon ah kuwaasi oo aan awoodin In ay iska bixiyaan qarasahaadka waxbarashada.

Mamulaha madarsada Almacruuf muxdiin muxumed xirse ayaa ka waramaya tirada ardeyda ay siyeen fursadaha waxbarasho isaga oo sheegay in marwalba ay garab taagan yihiin ardeyda danyarta ah.

Qaar kamid ah ardeyda fursadaha waxbarashada ka helay ,madarasada Al macruuf ee magaalada Baladweyne aya Radio Beerlula u sheegay inay ku faraxsan yihiin fursada ay heleen.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here