Shirka dib u eegista Mashruuca caafimaadka gobolada bari iyo gardafuu oo ka furmay Boosaaso

0
60

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasaaradda Caafimaadka Dowlad goboleedka Puntland ayaa Magaaladda Bosaaso ka furtay shirka dib u eegista Mashruuca caafimaadka gobolada bari iyo gardafuu oo soconayaa muddo labo Maalin ah.

Ujeedkan shirkan ayaa darnaa dib u eegista waxqabadyadii fulay Kuwa dhiman iyo Waxyaabaha laga bartay inta uu socday mshruucani.

Waxa Shirka kasoo qayb galay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr Cabdirisaaq Xasan Xirsi Madaxda ka socota Hayadda Save Childreen Howlwadeenadda Caafimaadka ee goboladda Bari iyo gardafuu iyo masuuliyiin kale.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka  Puntland Dr Cabdirisaaq Xasan Xirsi ayaa ka waramaya muhiimada shirkan.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Axmad Nuur Daahiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here