Tababar ku saabsan barista tacadiyada loo geysto haweenka sida kufsiga oo lagu soo gaba gabeeyay Baladweyne

0
89

Baladweyne (Radio Beerlula)-Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa tababar socday muddo 10 maalmood ah loogu soo gaba gabeeyay saraakiil iyo askar loo tababaray barista tacadiyada ka dhan ah haweenka sida kufsiga iyo dambiyada kale ee inta badan ka dhax dhaca bulshada, waxana gunaanada tababarkan ka qeyb galay saraakiil ka tirsan ciidamada booliska iyo guddoonka maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad iyo rayidka ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha qeybta CID ee gobolka Hiiraan Kabtan Yusuuf Muxumed Maxamed ayaa radio Beerlula u sheegay in xubnahan loo tababaray barista tacadiyada loo geysto haweenka sida kufsiga oo kale.

Guddoomiyaha maxkamadda rayidka gobolka Hiiraan, Cabdirixiin Muxumed Taakoy, guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Hiiraan Axmed Cismaan Cabdalla Inji iyo guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad gaashanle Maxamed Amiin Cabdulle Aadan ayaa si wada jir ah xubnaha tababar loo soo xiray ugu booriyay in wixii ay barteen ay ugu adeegan bulshada.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Cabdi Saneey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here