maalinta caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubyada ka dhanka ah Haweenka oo maanta ku began

0
45

Baladweyne (Radio Beerlula)-Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa sannadkii 1979-kii ansixiyay sharciga caalamiga ah ee xuquuqda haweenka, kaasoo ku baaqaya in la joojiyo takoorka ka dhanka ah haweenka.

Sannadkii 1993, wuuxu golaha loo dhan yahay uu soo saartay Baaq ku saabsan Ciribtirka Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka, iyadoona sannadkii 2000-dii la meelmariyay in sannad kasta 25 Noofambar loo dabal dego maalinta caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubyada ka dhanka ah Haweenka, waxana Sannadkii 2017-kii, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay waxay bilaabeen Hindisaha Toosinta si loo soo afjaro xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha marka la gaaro 2030ka.

Sidoo kale xiligada ay dhacan colaadaha iyo rabashadaha kale ayaa waxaa dhibaato loo geysta haweenka sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay qaramada midoobayy.

Nov 25- ilaa 10-ka december waxaa dunida ka socda olole looga hortagayo lagana takhaluso xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha adduunka oo dhan.
Isku duwaha wasaaradda haweenka Hirshabeelle ee gobolka Hiiraan Shamso Ciise Aadan ayaa radio Beerlula uga warantay ahmiyadda maalintan iyo tacadiyada loo geysto haweenka.

Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Hiiraan Farxaan Cumar Carte ayaa radio Beerlula uga warantay xadgudubyada ay la kulman haweenka gobolka.

Sheekh Xamse Yuusuf Nuur oo ka mid ah culumaaudiinka gobolka Hiiraan ayaa radio Beerlula u sheegay in diinta islaamka ay ka soo horjeedo in xadgudub loo geysto haweenka.

Qaar ka mid ah dhalinyarada magaalada Baladweyne ayaa radio Beerlula u sheegay in dhowr jeer ay la kulmeen tacadiyo loo geystay haweenka, islamarkana loo baahan yahay in loo istaago sidii looga hortagi lahaa xadgudubyada loo geysto haweenka Soomaaliyeed.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cumar Yuusuf Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here