20ka Ciyaartoy Ee Iskugu Soo Hadhay Abaal-marinta Golden Boy Oo La Shaaciyey

0
123

Baladweyne (Radio Beerlula)-Abaal-marintan oo la siiyo ciyaartoyga ugu wanaagsan ee ay da’diisu ka hoosayso 21 jirka ama ku jira sannadkaas, ayaa waxa soo xula wariyeyaasha ugu sarreeya ee waxka qora ama tabiya kubadda cagta oo codkooda ku kala saara.

Erling Haaland iyo Kylian Mbappe oo hore abaal-marintan ugu soo guuleystay ayaan ku jirin tartameyaasha maadaama da’doodu dhaaftay 21 jir, waxaanay isku liis noqonayaan Wayne Rooney iyo Lionel Messi oo iyaguna hore abaal-marintan usoo qaatay.

Xiddigaha aadka loogu saadaalinayo ee liiskan ku jira ayaa waxa ka mid ah Gavi, Pedri, Jude Bellingham, Eduardo Camavinga iyo Jamal Musiala.

Haddaba qiimayn lagu sameeyey 20ka ciyaartoy iyo sida ay ugu kala dhow yihiin ku guuleysiga ayaa waxa kaalinta koowaad kaga jira da’yarka khadka dhexe uga  ciyaara Real Madrid ee Camavinga oo xilli ciyaareedkii tegay kooxdiisa kula guuleystay LaLiga iyo Champions League.

Waa kuwan 20ka ciyaartoy ee iskugu soo hadhay abaal-marinta Golden Boy iyo qiimaynta lagu sameeyey sida ay ugu kala dhow yihiin ku guuleysiga:

20. Antonio Silva | Benfica

19. Fabio Miretti | Juventus

18. Nicola Zalewski | Roma

17. Wilfried Gnonto | Leeds United

16. Nico | Valencia

15. Destiny Udogie | Udinese

14. Mathys Tel | Bayern Munich

13. Ansu Fati | Barcelona

12. Benjamin Sesko | RB Salzburg

11. Giorgio Scalvini | Atalanta

10. Nuno Mendes | Paris Saint-Germain

9. Fabio Carvalho | Liverpool

8. Ryan Gravenberch | Bayern Munich

7. Pedri | Barcelona

6. Karim Adeyemi | Borussia Dortmund

5. Joško Gvardiol | RB Leipzig

4. Gavi | Barcelona

3. Jamal Musiala | Bayern Munich

2. Jamal Bellingham | Borussia Dortmund

1. Eduardo Camavinga | Real Madrid