Baledweyne ( Radio Beerlula )-Kusimaha madaxweynaha ahna gudoomiyaha barlamanka KGS Cali Saciid Fiqi ayaa ka qayb galay munaasabaadaan oo lagu qabtay magaalada Baydhabo isla markaana Hay’adda Amuud Foundation ay qoysas Barkacayaal ah ku gudoonsiinaysay 25 guri oo dhisan.
Munaasabadda wareejinta guryahan ayaa waxaa goob joog ka ahaa gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka KGS wasiirka howlaha guud gudoomiyaha degmada baydhaba iyo maamulka gobolka baay.
Warkan waxaa inoo haya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi.


